Xeerarka ilaalinta ee darawallada shirkadaha shabakad gaadiidka (TNC)
Ogow xuquuqdaada: Lacag bixinta darawalada shirkadaha shabakadda gaadiidka (TNC) ee Minnesota
Ogeysiisyada ay shirkadaha shabakadda gaadiidka waxaa waajib ku ah inay siiyaan darawalada TNC
Xarunta macluumaadka darawalka iyo habraaca joojinta iyo racfaanka darawalada
Dulmarkan xeerka Xeerarka Minnesota qaybaha 65B.472, 181C.01-.10 waa warbixin ahaan oo keliya. Ma aha ilo sharci oo looma bixiyo talo sharci ahaaneed.
TNC waa shirkad Minnesota gudaheeda ka shaqeysa oo adeegsata app si ay rakaabka ugu xirto darawalo isticmaalaya hab raacitaanka horey loo sii diyaariyay. Darawal TNC ah waa qof u isticmaala gaarigiisa si uu ugu qaado rakaabka iyada oo la isticmaalayo hab horey appka loogu sii diyaariyay.
Sharciga TNC waxuu quseeyaa darawalada bixiya adeega rakaab qaadidda oo kaliya mana quseeyo darawalda cuntada qaada ama darawalada tabaruc ahaanta u qaada dadka ama alaabta.
Waqtiyada fulinta sharciga TNC
-
Diseembar. 1, 2024: Heerka lacagta mushaarka ugu yar, ogeysiinta heerka mushaarka ee darawalada, nidaamka howl ka joojinta iyo shuruudaha ururka u doodista ayaa bilaabmey.
-
Janaayo 1, 2025: Shuruuc cusub oo caymiska TNC-yada ka hawlgala Minnesota ayaa bilaabmey.
Lacagta mushaarka ugu yar ee darawalada TNC
Waa maxay lacagta mushaarka ugu yar ee ay tahay in TNC ay siiso darawalka?
Laga bilaabo Diseembar. 1, 2024, TNCs waa in ay bixiyaan darawallada ugu yaraan $1.28 maylkiiba iyo ugu yaraan 31 senti daqiiqaddii inta uu darawalku uu rakaab u saaran yahay baabuurkooda. Safar kasta oo la qaado qof rakaab ah, darawalka TNC waa in la siiyaa ugu yaraan $5.
Baqshiishka ma lagu daraa xisaabinta heerka lacag mushaarka ugu yar?
Baqshiishka laguma daro xisaabinta heerka lacagta mushaarka ugu yar. Dhammaan lacagaha baqshiishka ah ee ama lacagaha mahadnaqa ah gebi ahaantedd waxaa iska leh darawalka oo waxay u dheer yihiin heerka lacagta mushaarka ugu yar.
Waa maxay gunnada ama bixinta ugu yar ee TNC ay tahay inay siiso darawalka isticmaalaya gaadhiga lagu geli karo kursiga curyaanka?
Haddii darawalku uu wato la gelin karo kursiga curyaanka, TNC-yadu waa in ay siiyaan ugu yaraan $2.19 maylkiiba iyo 31 senti daqiiqaddii marka darawalku uu rakaab ku wado baabuurka, iyada oo aan loo eegayn in qalabka lagu ilaaliyo kursiga curyaanka la isticmaalo iyo hadii kale.
Maxaa dhacaya haddii TNC ama rakaabku kansalo/joojiyo codsiga safar kadib markii uu darawalku mar hore bilaabay inuu aado rakaabka si uu u soo qaado rakaabka?
Darawalka TNC waxa uu xaq u leeyahay 80% khidmada burinta/kansalida ee uu bixiyo rakaabka haddi TNC ama rakaabku ay baajiyaan codsiga safarka marka uu darawalku u dhaqaaqay mar hore si uu u soo qaado rakaabka.
Sidee bey darawalada TNC ku ogaanayaan in ay safaradooda ku qaataan heerka lacagta mushaarka ee ugu yar?
Waqti mushaar qaad ee kasta, TNC waxay is barbar dhigi doontaa dakhliga darawalka, marka laga reebo baqshiishka, iyada oo loo eegaayo heerka lacagta mushaarka ugu yar, iyo in dakhligu ka yar yahay heerka lacagta mushaarka ugu yar ee loo baahan yahay, TNC waa inay ku bixisaa lacag dheeraad ah oo darawalku helaayo mushaar qaadka tan ku xigta.
Darawaladu waxay arki doonaan wadarta masaafada mayl ahaan ee safarkooda rakaabka iyo wadarta wakhtiga safarka ee rakaabka rasiidyada safarkooda iyo xog kooban oo todobaadle ah.
Maxaan sameeyaa haddii ay dhibaato iga haysato lacagta ugu yar ee ay ahayd in aan qaato?
Kala xiriir Waaxda Shaqada iyo Warshadaha (Department of Labor and Industry’s [DLI's]) Qeybta Heerarka Shaqada (Labor Standards Division) 651-284-5075 ama dli.laborstandards@state.mn.us.
Ogeysiiska darawaliinta iyo daahfurnaanta lacagta la qaato
Ogaysiis noocee ah ayey TNC tahay in ay siiso darawalka waxa ku saabsan heerka lacagta mushaarka ugu yar?
TNC waa in ay siisaa darawaliinteeda ogeysiis qoraal ah marka akoonku la shaqo geliyo iyo sanadkiiba mar inta uu darawalku leeyahay akoon TNC ah. Ogeysiiska waa in lagu qoraa luqado Ingiriis, Amxaari, Carabi, Maang, Oromo, Soomaali iyo Isbaanish.
Ogeysiiska heerka lacagta mushaarka ugu yar waa in ay ku jirtaa:
-
xaqa sharci ahaan loo leeyahay mushaarka ugu yar ee sharci ahaan looga baahan yahay sida uu dhigayo sharciga Minnesota qaybta 181C.03 (wuxuu dhaqan galayaa Diseembar. 1, 2024);
-
goorta iyo inta jeer ee darawalka lacagta la siin doono;
-
xuquuqaha iyo xalalka la heli karo haddii TNC ay ku guul daraysato in ay u hoggaansamaan waajibaadka sharciga ah ee la xiriira mushaarka ugu yar; iyo
-
xaqa loo leeyahay in la doorto dheefaha caymis maqnaasho lacag la qaadanayo (paid leave benefits), sida uu dhigayo sharciga Minnesota cutubka 268B (dhaqan galaysa Jan. 1, 2026).
TNC waa in ay qoraal ahaan ama si elektaroonig ahaan ugu sheegto darawalka wixii isbeddel ah ee ku yimaadda sharciyada mushaarka (magdhawga) darawalka ugu yaraan 48 saacadood ka hor inta uusan isbeddelku dhaqan gelin.
Maxay TNC uga baahan tahay in ay ku cadeyso ogeysiiska shaqo ku qorista/ssinta ama bixinta kaarka balanta shaqada ee ku saabsan safarka?
Marka ay TNC siineyso shaqo suurtogal tahay in rakaab la qaadayo, waa in ay darawalka siiyaan wakhti ku filan si uu u qiimeeyo:
-
waqtiga safarka iyo masaafada ay isu jiraan meesha uu darawalku hadda ku sugan yahay iyo meesha laga soo qaadayo rakaabka;
-
waqtiga safarka iyo masaafada koorsadaan qofka la qaadayo; iyo
-
wadarta lacagta darawalku qaadanayo inta aan wax baqshiish ah la fiirin.
Maxay TNC u baahan tahay si ay u bixiso rasiidka safarka maalinlaha ah?
Safar kasta kadib, TNC waa in ay darawalka ku siiso rasiid elektaroonik ah 24 saacadood gudahood. Rasiidkaan waxaa ku qornaan doona:
-
taariikhda iyo goobta rakaabka laga qaaday iyo meesha lagu dejiyay;
-
wakhtiga iyo wadarta masaafada safarka laga bilaabo goobta laga qaaday ilaa halka lagu dejiyay;
-
wakhtiga iyo wadarta masaafada meesha uu darawalku ka aqbalay safarka ilaa meesha uu geeyay ee safarku ku kaa;
-
wadarta qiimaha uu bixiyay qofka rakaabka ah;
-
liis qoraya kharashka wada maridda (tolls), khidmadaha adeega, ama kharashyada kale ee darawalku u baahan karo inuu bixiyo; iyo
-
lacagta darawalku qaadanayo, oo ay ku jiraan:
-
heerar kasta oo kharash la dabaqi karo ah iyo dhufasanaha lacagta kordhin karo; iyo
-
wixii baqshiish ah ee uu qofka rakaabka ahi bixiyay
-
Maxaa TNC looga baahan yahay in ay ku bixiyo wrbixinta toddobaadlaha ah ee kooban?
Toddobaad kasta, TNC waa in ay siisaa darawalkeeda qoraal warqad ah ama mid elektaroonig ah usbuucii hore la xiriira. Qoraalka koobani waa in ay ku jiraan:
-
wadarta waqtiga guud ee uu darawalku appka TNC ku jiray;
-
wadarta wakhtiga iyo masaafada markii uu darawalku u sii socdo si uu u soo qaado rakaab iyo waqtiga uu rakaabka wado;
-
wadarta lacagta uu rakaabku bixiyeen, oo ay ku jiraan kharashyada iyo khidmadaha; iyo
-
wadarta lacagta guud ee darawalku helay, oo ay ku jiraan baqshiishka.
Mudo intee la'eg ayay tahay in TNC ay sii hayso diiwaanada rakaabka darawalku qaaday?
TNC waa in ay haysaa diiwaanada raacitaanka darawalka ugu yaraan saddex sano. Tan waxaa ku jira risiidyada safarka maalinlaha ah iyo xogta kooban ee toddobaadlaha ah.
Maxaan sameeyaa haddii ay dhibaato iga haysato ogeysiisyada ku saabsan lacag-bixinta ama rasiidyada safaradayda?
Kala xiriir Heerarka Shaqada (Labor Standards) lambarka ah 651-284-5075 ama dli.laborstandards@state.mn.us.
Aargoosiga iyo takooridda waa mamnuuc
TNC waa in aysan ku sameyn waxa ka aargoosi ama edbin ah darawalka sameeya cabasho ama dalbada dhaqan gelinta ama fulinta sharciyadan.
TNC waa in aysan siin shaqooyin aan wanaagsaneyn ama siiyaan shaqooyin wanaagsan darawal iyada oo lagu saleynayo sameynta warbixin faallooyin guud ama kuwo gaar ah oo ku saabsan xaaladaha shaqada ama lacagaha laga qaato TNC.
TNC waa in aysan takoorin darawal ama codsiga darawal u qalma shaqada sababo la xiriira jinsiyad, asal qaran, midab, caqiido, diin, jinsi, naafo, nooca galmo doorasho, heerka guurka ama aqoonsiga jinsiga sida ku cad qodobka 363A.11.
Heerka shaqada iyo gorgortanka guud
Darawalada TNC lagama mamnuuci karo gorgortanka wadajirka ah. Ma jiro wax sharciga ka mid ah oo go’aaminaya ama qeexaya darawalka in uu yahay shaqaale ka tirsan TNC.
Xarumaha Ilaha darawalada iyo howl ka joojinta
Waa maxay xarunta ilaha darawalada?
Xarunta ilaha darawalka waa urur maxalli ah oo ay dooratay TNC si ay u siiso caawimo bilaash ah darawaliinta. Xarunta ilaha darawalka ayaa ka caawin doonta darawalada racfaanada howl ka joojinta iyo waxbarashada iyo wacyigelinta ku saabsan xuquuqda darawalada iyo arimaha sharciga ee la heli karo. DLI waxay si dhow ula shaqayn doontaa shaqaalaha xarumaha ilaha darawalada si loo hubiyo in darawaladu ogaadaan xuquuqdooda sharciga ah iyo sida loo sameeyo cabasho haddii loo baahdo. Marka DLI ay hesho ogaysiis ku saabsan ururada maxaliga ah ee la doortay, macluumaadkaas ayaa halkan lagu wadaagi doonaa.
Maxay darawalka TNC uga dhigan tahay "howl ka joojinta"?
"Howl ka joojintu (Deactivation)" waa marka TNC ay xannibto gelitaanka darawalka appka in ka badan 24 saacadood ama in ka badan 72 saacadood marka ay tahay in TNC ay baaritaan ku sameyneyso cabasho/ashtako darawalka laga soo gudbiyay. Howl ka joojinta kuma jirto lumina darawalku lumiyo gelitaanka appka sababtuna ay tahay ku guuldaraysiga darawalku inuu raaco sharcitga laysanka ee loo baahan yahay, caymiska ama shuruudaha sharciga.
Maxay TNC u baahan tahay in ay ku muujiso shuruucda howl ka joojinta?
TNC waa in ay lahaataa shuruuc howl ka joojin ah oo qeexaysa habraaca howl ka joojinta darawalada. Xeerka waa in lagu helaa onlayn iyo appka TNC. Xeerka waa in lagu tarjumaa Amxaari, Carabi, Maang, Oromo, Soomaali iyo Isbaanish. Xeerka waa in ay ku jiraan:
-
sababaha dareewalku shaqada looga joojin karo iyo waqtiga ugu dhow ee uu shaqada looga joojin karo;
-
sida ay TNC gu u wargalin doonto darawalka shaqo ka joojinta iyo sababta shaqo ka joojinta;
-
tallaabooyinka darawalku qaadayo si uu rafcaan uga qaato shaqo ka joojinta iyo shuruudaha dib u eegista go'aanka shaqo ka joojinta; iyo
-
qeexidda "anshax-xumo weyn."
Haddii TNC ay shaqada ka joojiso darawalka, maxay TNC siin doontaa darawalka?
Haddii TNC ay shaqo ka joojiso darawal, TNC waa inay sameyso ogeysiis qoraal ah wakhtiga shaqo ka joojinta. Ogeysiiska waa in uu ku jiraa:
-
sababta shaqo ka joojinta;
-
qadarka shaqo ka joojinta ee la filayo ee wakhtiga shaqo ka joojinta;
-
maalinta ay bilaabmeyso shaqo ka joojinta;
-
sharaxaada ku saabsan in shaqo ka joojinta la beddeli karo iyo tallaabooyinka la qaadayo si looga noqdo shaqo ka joojinta;
-
tilmaamaha sida loo codsado dib u eegista shaqo ka joojinta;
-
macluumaadka ku saabsan habka loo qaato rafcaanka shaqo ka joojinta iyo xaqa uu darawalku u leeyahay racfaan; iyo
-
ogaysii in darawalku xaq u leeyahay in laga caawiyo habka rafcaanka, iyo lambarka taleefanka iyo macluumaadka bogga xarunta ee ilaha darawalada.
Haddi shaqo ka joojintu ay ahayd anshax xumo weyn, TNC waa in ay la wadaagto ogaysiiska shaqo ka joojinta saddex maalmood gudahood.
TNC ma siin doontaa digniin darawal haddii hab-dhaqankoodu uu keeni karo hawl ka joojin?
Haddii akhlaaqda darawalka aysan ku jirin anshax-xumo weyn, TNC waa in ay siisaa digniin ku saabsan hab dhaqankooda. Laakin, haddii anshaxa darawalka lagu qeexo xeerka shaqo ka joojinta in ay tahay anshax-xumo weyn, TNC una baahna in ay bixiso digniin ka hor inta aysan shaqada ka joojin darawalka.
Miyey xarunta ilaha darawalku ka caawin kartaa darawalka inuu racfaan ka qaato habka shaqo ka joojinta?
Haa. TNC kasta waa in ay la shaqeyso urur maxalli ah si ay u siiso kaalmo lacag la'aan ah darawalada habka racfaanka. Marka DLI ay hesho ogaysiis ku saabsan ururada maxaliga ah ee la doortay, macluumaadkaas ayaa halkan lagu wadaagi doonaa.
Waqti intee in le'eg ayay qaadanaysaa racfaanka shaqo ka joojinta?
Darawalka TNC wuxuu haystaa ugu yaraan 30 maalmood ka dib shaqo ka joojinta si uu racfaan u qaato waxaana laga yaabaa in uu helo gargaar ama taageero dhankasharci ah si uu racfaan u qaato. Darawalka waa in loo ogolaadaa in uu bixiyo macluumaad dheeri ah. TNC waa in ay tixgelisaa macluumaadka cusub ee la soo bandhigay oo ayna kaga jawaabto 15 maalmood gudahood, marka laga reebo hadii darawalku ama TNC midkood codsado waqti kordhin. TNC waxay qabsan/kireysan karaan shirkad kale si ay uga caawiso racfaanka.
Ma jiraan wax ka reeban habka rafcaanka shaqo ka joojinta?
Haddii TNC ay shaqo ka joojiso darawalada xaalad degdeg ah oo dadweyne darteed ama xaalado dhaqaale darteed, nidaamka rafcaanka shaqo ka joojinta ma khuseeyo. Haddii darawalka shaqada laga joojiyay Diseember 1, 2024 ka hor, oo uusan codsan rafcaan May 24, 2024 ka hor, nidaamka rafcaanka shaqo ka joojinta ma khuseeyo.
Maxaa dhacaya haddii darawalka shaqda looga joojiyo sabab farsamo oo kali ah oo shaqo ka joojint ay tahay mid aan ulakac ahayn oo uusan darawalka khalad ku lahayn?
Haddii darawalka shaqada laga joojiyo si ula kac ah ama sabab farsamo oo keliya, darawalka waa in la siiyaa lacag macquul ah muddada darawalka laga mamnuucay inuu galo appka, taas oo wadar ahaan ah ilaa 21 maalmood. Si loo go'aamiyo qadarka lacag bixinta macquulka ah TNC waa in ay isticmaashaa celceliska maalinlaha ah ee darawalka dakhliga ka soo gala TNC 90 maalmood shaqo ka joojinta ka hor.
Dhexdhexaadin
TNC waa in ay:
-
sii darawalka ikhtiyaarka uu kaga baxo u kala garqaadid; iyo
-
ogaysii darawalada in ay ka bixi karaan dhexdhexaadinta.
Macluumaad dheeri ah iyo ilo
Nala soo xiriir
-
651-284-5075.
-
Haddii loo baahdo, hay'addeenu waxay heli kartaa Adeegyada Tarjumaada Khadka Talefoonka (Language Line Services), oo ah adeeg tarjumaad luqadeed oo bilaash ah oo loogu talagalay dadka ku hadla Ingiriisiga xaddidan. Nala soo xiriir oo waxaan kugu xiri doonaa turjumaan.